Loading...
Loading...





Waxqabadka Dowladda Ee Usbuucii La Soo Dhaafay
play in 3gp Mp4 Flv Webm Mp3 available in 240p, 360p, 4800p, 720p, 1080p video formats

  • Uploaded on 29 Jun 2014

    Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Diyaarad Caalami ah oo duulimaad isku xiraya Yurub iyo Somalia bilowday, Dowladda oo degmada Doolow ka hirgelinaysa garoon diyaaradeed oo caalami ah, Hirgelinta Mashruuc biyo nadiif ah iyo musqulo lagu gaarsiiyey shacabka degmada Afgoye. Muqdisho oo laga hirgeliyey duminta dhismayaasha sharci-darada ah si loo soo celiyo bilicdii magaalada, Bandhig Dhaqameedka Soomaaliyeed oo laga hirgeliyey Muqdisho, Dabaaldegga 26ka June, Horumarka Warbaahinta Dalka iyo Fadliga bisha Ramadan.
    Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Diyaarad Caalami ah oo duulimaad ka bilowday Somalia ayaa yiri "22kii June ayaa diyaarad caalami ah SKYGREECE ayaa soo gaartey Muqdisho oo bilowday duulimaad isku xira dalaka Yurub iyo Somalia. Diyaaradan ayaa keentay dad gaaraya 200 oo ka mid ah Qurbojoogta Soomaaliyeed oo diyaaradda ka soo raacay Stockholm. Diyaaraddan SKYGREECE ayaa fursad qaali ah siin doonta Qurbojoogta Soomaaliyeed inay magaalooyinka Yurub si toos ah uga soo baxaan oo soo gaaran Somalia. Tallaabadan ayaa ah mid kaalin fiican ka qaadaneysa koboca dhaqaalaha, isla markaana isku xireysa Yurub iyo Somalia. Diyaaradan ayaa ah tii 3aad oo diyaarad Caalami ah oo u fududeyneysa Soomaalida inay helaan adeeg diyaaradeed oo caalami ah. Horey waxaa dalka uga howlgali jirey diyaaradaha Turkish Airlines iyo Uganda Air."

    Channel SNTVLIVE

TAGS:

Loading...

You Might Also Like

Recent Movies

Youtube Hatena . Webry . bd . Tripod . Addto . So-net . Gamer . Google+ . Facebook -- Hson-- ucz-- gd-- one-- goggle-- zestr-- jobstu-- multiple-- colt-- sandy-- exp-- gou-- myapp-- nap-- msu